Madaxweynaha dowlada Nasaarada Maraykanka Donald Trump ayaa soo saaray war saxaafadeed uu ku iclaamiyay inuu shaqada ka eryay madaxii hay’adda Sirdoonka FBI-da Maraykanka gaalka lagu magacaabo Jemes Commy.
War saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Comy uusan u qalmin hogaaminta hay’adan oo uu Trump sheegay iney kamid tahay hay’adaha ugu muhiimsan ee gudaha Maraykanka.
Afhayeenka Aqalka Cad Spiser oo isagana dhankiisa hadlay wuxuu sheegay in Madaxweynuhu aqbalay talo uga timid Xeer Ilaaliyaha guud iyo ku xigeenkiisa kuwaas oo dalbaday in xilka laga qaado taliyaha Sirdoonka maxalliga ee FPI-da Maraykanka.
Jemes Comy oo 59 jir ah ayaa qeyb ku lahaa guusha uu Trump kasoo hooyay doorashada Maraykanka, waxaana maalmo kahor doorashada uu baahiyay Warbixin dheer oo lagu tuhmayo Hellery Clinton.
Xil ka qaadistiisa waxay timid iyadoo uu dhawaan sheegay iney jireen xiriir ka dhexeeyay gudiga Doorashada ee Trump iyo dowladda Ruushka.