Wararka ka imaanaya degmada Xudur ee xarunta gobalka Bakool waxey sheegayaan in saaka weerar dhabba gal ah loo dhigay kolanyo ka tirsan maleeshiyaatka Murtadiinta gaar ahaan kuwa maamulka gaala raaca Shariif Sakiin.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa kamiinka u dhigay kolanyo gaadiid ah oo ay la socdeen maleeshiyaatka Maamulka Shariif Sakiin kuwaasi oo ku socdaalayay duleedka degmada Xudur.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in maamulka Shariif Sakiin weerarkaasi dhabab galka ah looga dilay hal askari Labo kalane looga dhaawacay.
Maalintii shalay ayeey aheed markii ciidamada Shabaabul Mujaahidiin howlgalo ay ka fuliyeen duleedka degmada Baydhabo ay ku dileen inka badan 20 askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Shariif Sakiin kuna dhaawaceen tiro intaa ka badan’sidoo kale howlgalkaasi waxey ku gubeen hal gaari Labo kale oo Cabdi bilayaal ahna gacanta ayeey ku dhigeen.
Calamada.com