Afhayeenka ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cabdul Caziiz Abuu Muscab oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa ka hadlay weeraro saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay ka kala fuliyeen gobalada Hiiraan,Sh/hoose,Jubbada hoose iyo Shabeelada dhexe.
Weeraradan waxaa lala beegsaday ciidamada Kufaarta Afrikaanta gaar ahaan ciidamada Uganda,Burundi,Kenya iyo Itoobiya.
Sheekh Abuu Muscab ayaa xusay in weerarada ka dhacay Shabeelada hoose lagu dilay Sagaal askari oo Yugandheys ah Labo gaarina lagu gubay sidoo kale lagu dhaawacay tiro kale oo Ugandheys ah kuwaasi oo uu ku jira taliyaha ciidamada Kufaarta Afrikaanta ee degmada Baraawe ee gobalka Shabeelada hoose.
Halkan Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id Ee Sheekh Abuu Muscab.
Calamada.com