Weerar qorsheysan ayaa lagu qaaday isbaaro maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ay dhigteen duleedka degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa la xaqiijiyay iney dhowr jiha ka weerareen isbaaradaasi’iyadoona weerarka markii muddo kooban uu socday maleeshiyaatka dowlada ay bilaabeen iney cagaha furaan oo goobta isaga cararaan.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in weerarkaasi lagu dilay hal askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Murtadiinta kaasi oo qorigii uu ku dagaalamayay ay gacanta ku dhigeen ciidamada Mujaahidiinta.
Sidoo kale weerarkan ka dhacay duleedka degmada Maxaas waxaa lagu dhaawacay hal askari oo ka mid ahaa maleeshiyaatka dowlada Ridada ee isbaarada u taalay duleedka degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan.
Ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya ee difaacyada ka sameysteen degmada Maxaas ayaa wax gurmad ah u sameeynin maleeshiyaatka Murtadiinta ee lagu weeraray duleedka degmadaasi.
Calamada.com