Wararka ka imaanaya gobalka Gaarisa oo ka mid ah dhulka dowlada Nasaarada Kenya xooga kaga heysata Somalia ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay weerar qorsheysan uu ka dhacay deegaan ka tirsan gobalkaasi.
Weerarka waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Amuume oo ah deegaan ka tirsan gobalka Gaarisa’iyadoona warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan weerarkaasi.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in weerarkaasi qorsheysan ay fuliyeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab’waxeyna Andalus intaasi ku dartay in ciidamada Mujaahidiinta weerarkaasi ay ku burburiyeen qalab ay lahaayeen Nasaarada Kenya.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weeraro qorsheysan oo khasaara lagu gaarsiiyo dowlada Nasaarada Kenya ka fuliya gudaha dalkaasi.
Calamada.com