Wararka ka imaanaya dalka Maali ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay weerar khasaara dhaliyay uu ka dhacay qeybo ka mid ah dalkaasi.
Weerarka waxa uu ka dhacay dhanka Galbeed ee dalka Maali kaasi oo lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada dowlada Nasaarada Faransiiska ee duulaanka ku jooga dalkaasi.
Inta la xaqiijiyay weerarkaasi oo ka dhacay agagaarka deegaan lagu magacaabo Tessalit waxaa lagu gubay saddex gaari oo isugu jirta labo Cabdi Bile iyo mid gaashaaman.
Sidoo kale weeraradaan waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday tiro askar Faransiis ah oo la socday gaadiidka weeraradaasi lagu gubay.
Mas’uuliyadda weerarkan waxaa sheegtay Jamaacadda u gargaaridda Islaamka iyo Muslimiinta oo ah Jameeco taabacsan Mujaahidiinta Al-qaacidah ee dhulka Magribul Islam.
Calamada.com