Wararka ka imaanaya degmada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay duleedka degmadaasi uu ka dhacay shil gaari oo khasaara culus sababay.
Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen labo gaari oo mid ka mid ah xamuul ahaa taasi oo sababtay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed.
Inta la xaqiijiyay shilkan gaari waxaa ku dhintay hal ruux’waxaa sidoo kale ku dhaawacmay Kow iyo Toban ruux oo qaarkood dhaawacyadooda culusyihiin.
Sidoo kale waxa uu shilkan sababay khasaara hantiyadeed oo aad u xoogan’iyadoona inta badan uu burburay mid ka mid ah labada gaari ee shilka galay.
Gobalka Bari ayaa ka mid ah gobalada dalka Soomaliya ee sida aadka ah ugu soo laablaabtaan shilka gaari ee khasaaraha xoogan ay ka dhashaan.
Calamada.com