Wararka ka imaanaya gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay weerar qorsheysan uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobalkaasi.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar qorsheysan ku qaaday isbaaro maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ay dhigteen tuulada Butaale oo qiyaastii 28-KM u jirta degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan.
Dagaal markii muddo kooban uu socday kadib waxey ciidamada Shabaabul Mujaahidiin gabi ahaan cagta mariyeen isbaaradii murtadiinta ee deegaankaasi.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay iney arkeen meydadka Labo askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada kuwaasi oo lagu dilay dagaalkaasi.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa gacanta ku dhigay Qori iyo Boosh’waxeyna gabi ahaan burburiyeen isbaaradii murtadiinta halkaasi u taalay.
Calamada.com