Iyadoo wali sii socdaan dagaalada iyo kacdoonka rabshadaha wata ee ka socday gobolada dalka Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in dagaalo xoogan ay kadhaceen saacadihii lasoo dhaafay deegaano kamid ah gobolka Amxaaradu degto ee Gonder.
Wararka ayaa sheegaya in jabhada hubeysan ee ka howlgasha gudaha dalkaasi Itoobiya in weerar qorsheysan ay kuqaadeen fariisin ciidamada Itoobiyaanka ay kulahaayeen galbeedka Gobolkaasi Gonder.
Ilo wareedyo mucaraadka ah iyo kuwo madax banaan ayaa sheegaya in qasaare kala duwan uu kadhashay dagaalkii kadhacay galbeedka gobolkaasi iyadoo lasoo warinayo in kudhawaad 13 askari dowlada nasaarada ah ee itoobiya askarteeda looga dilay dagaaladi halkaasi kadhacay.
Kacdoonka rabshadaha wata ee ay dhigayaan qowmiyaha kudhaqan dhulka Itoobiya ayaa sii xoogeysanaya iyadoo kacdoonada ay bar bar socdaan dagaalo lagu qaaday xerooyinka ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin qaar kamid ah gobolada Kacdoonada ay ku xoog badan yihiiin.