Wararka laga helayo degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelada dhexe waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay weerar qorsheysan uu ka dhacay gudaha degmadaasi.
Weerarka oo loo adeegsaday Bamka nooca gacanta laga tuura ayaa lagu weeraray hooyga degmadaasi uu ka daganyahay gudoomiyaha maxkamada Murtadiinta ee degmada Jowhar.
Bamka ayaa la xaqiijiyay inuu ku qarxay gudaha guriga’dhawaaqa qaraxa Bam waxaa si aad ah looga maqlay inta badan xaafadaha degmada Jowhar.
Si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha guud ee ka dhashay Bamka lagu weeraray hooyga gudoomiyaha maxkamada maamulka gaala raaca Hir-shabeelle ee degmadaasi.
Dhowr habeen ka hor ayey aheed markii isku day dil uu ka badbaaday gudoomiyaha dowlada Ridada ugu magacaaban degmada Beledxaawo ee gobalka Gedo kadib markii Bam gacmeed lagu weeraray hooyga uu ka deganyahay degmadaasi.
Calamada.com