Wararka ka imaanaya degmada Xudur ee xarunta gobalka Bakool waxey sheegayaan in duleedka degmadaasi uu ka dhacay weerar khasaara dhaliyay.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerarka dhabba galka ah u dhigay maleeshiyaat ka tirsan maamulka gaala raaca Shariif Sakiin oo ka baxay degmada Xudur kuna sii jeeday dhanka degmada Ceelbarde ee gobalka Bakool.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in kamiinkaasi lagu dilay labo askari kuwaasi oo sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta ay ka qaniimeysteen labadii qori ee ay ku hubeysnaayeen labadaasi askari.
Weerarkan ayaa noqonaya midkii labaad oo muddo Shan saac gudahood ah ka dhaca qeybo ka mid ah gobalada Baay iyo Bakool.
Weerarka kowaad ayaa ka dhacay duleedka degmada Bardaale ee gobalka Baay waxaa weerarkaas lagu dila Todobo askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Murtadiinta Shariif Sakiin.
Calamada.com