Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay wareysi ay la yeelatay askari kasoo goostay dowlada Ridada Farmaajo kaasi oo shalay Towxiidka loogu qabtay Maxkamada Wilaayada Islaamiga Galgaduud.
Askarigan oo lagu magacaabo Daa’uud Cabdullaahi Cabdi waxa uu ka mid ahaa maleeshiyaatkii dowlada ee Xabashida Itoobiya kula sugnaay degmada Ceelbuur’isagoona imika kasoo goostay degmada Beledweyne ee gobalka Hiiraan.
Askarigan ayaa xusay inuu si aad ah ugu faraxsanyahay inuu Allaah u towbadkeeno kuna soo biira safka Muslimiinta.
Daa’uud ayaa faahfaahin ka bixiyay sidii askarta Xabashida Itoobiya uga baxeen degmada Ceelbuur iyo danta ku qasabtay iney isaga cararaan degmada Ceelbuur’waxa uu intaasi ku daray in ciidamadii Amxaarada ee ka baxay Ceelbuur ay tageen deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan.
Sidoo kale Idaacada Andalus ayaa baahisay wareysi ay la yeelatay Aabaha dhalay askariga kasoo goostay dowlada Ridada’waxa uu xusay aabaha inuu si aad ah ugu faraxsanyahay in wiilkiisa kasoo baxay safka gaalada kuna soo biiray safka Muslimiinta.
Aaba Cabdullaahi Cabdi ayaa intaasi ku daray in qarash badan uu kaga baxay sidii wiilka uga soo saari lahaa safka maleeshiyaatka Murtadiinta’waxa uu baaq u diray waalidiinta ay u badkooda ku jiraan safka dowlada Ridada isagoona ugu baaqay iney ka shaqeeyaan sidii ay wiilashooda iyo gabdhahooda uga soo saari lahaayeen safka gaalada iyo Murtadiinta.
Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Askariga Soo Goostay Iyo Aabihiis.
Calamada.com
Masha allah wa arin lago farxo wiilkas wuxu sameye
Masha allah wa arin lago farxo