Guud ahaan Muslimiinta caalamka oo ay ugu horeeyaan Muslimiinta Somaliyeed ayaa maanta oo Sabti ah Sooman Kowada Bisha barakeysan ee Ramadaan ee Sanadka 1438 Hijri.
Qeybo badan oo ka mid ah dalka Somalia sida deegaano ka kala tirsan gobalada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe ayaa xalay laga arkay bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Waa nimco weyn oo Allaah Subxaanahuu Watacaalaa uu naga mudanyahay inaan kaga mahadcelino inuu nasoo gaarsiiyay bishan barakeysan’waxaa Allaah Subxaanahuu Watacaalaa ka baryeynaa inuu naga dhigo kuwii ka faa’ideysta bishan barakeysan ee Ramadaan.
Webseydka Calamada waxa uu bulshada Muslimiinta ugu hambalyeeynayaa bilashada bishan barakeysan ee Ramadaan’sidoo kale waxaan u ballan qaadeynaa dhageystayaasheena iyo akhristayaasheena inaan usoo gudbin doono daruus gaar ah oo aan ugu tala galnay bisha barakeysan ee Ramadaan.
Calamada.com
Masha allah wa nimco weyn