Iyadoo qeyb ka ah Ololaha dagaaleed ee Xamlada Al-Mansuuriyah ee bishii la soo dhaafay ay ku dhawaaqday Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa Mujaahidiintu waxay labadii maalin ee la soo dhaafay weeraro xoogan ku qaadeen saldhigyo kala duwan oo ciidanka xukuumada dabadhilifka ay ku leeyihiin gobalka Khandahar ee koonfurta dalka Afghanistan sida ay xaqiijiyeen mujaahidiinta iyo saraakiil u hadashay maamulka dabadhilifka ah.
Qaar ka mid ah weeraradan waxaa lagu qaaday saldhigyada iyo xarumaha ciidanka xukuumada Kabul ee degmada Shaw Wali Kot halkaas oo lagu dilay tobaneeyo ka mid ah ciidanka murtadiinta, laguna dhaawacay tiro intaas ka badan.
Saraakiil u hadashay xukuumada Kabul waxay sheegeen in ugu yaraan 18 askari lagu dilay weerarada lagu soo qaaday degmadaas, laguna dhaawacay 16 kale, sidoo kalena gacanta lagu dhigay ugu yaraan 4 askari.
Waxay saraakiishu sheegeen in boqolaal dagalyahan oo ka tirsan Taliban in ay soo iqtixaameen xerada ciidanka ee degmada, ayna gacanta ku dhigeen dhigeen saldhigga ka dib dagaal culus oo halkaas ka dhacay.
Laakiin war rasmi ah oo ay soo saartay Imaarada Islaamiga Afghanistan waxaa lagu sheegay in ugu yaraan 35 ka mid ah maleeshiyada xukuumada ridada ah lagu dilay weerarka, laguna soo qafaashay ugu yaraan 7 askari.
Sidoo kale mujaahidiintu waxay sheegeen in ay soo ganiimeysteen hub iyo gaadiid kala duwan oo ay ku jiraan ku dhawaad 10 ka mid ah gawaarida gaashaaman ee loo yaqaano “Humveeâ€
Weerarkan waxaa xigay mid kale oo lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla isla degmadan, kaa soo mujaahidiintu ay ku dileen ugu yaraan 30 ka mid ah maleeshiyaatka Xukuumada dabadhilifka ah ee Kabul.
Saraakiisha maamulka waxay xaqiijiyeen in la soo weeraray saldhigooda, waxayna tilmaameen in halkaas looga dilay ugu yaraan 11 askari oo ka mid ah ciidanka xukuumada.
Sidaas si la mid ah waxay mujaahidiintu u weerareen saldhigyo ciidan oo ku yaalla degmooyinka Khakrez, Maiwand, iyo Shorabak kuwaas oo dhamaantood ka tirsan gobalka Khandahaar ee koonfurta dalka Afghanistan.
Weeraradan waxaa lagu dilay tobaneeyo ka tirsan ciidanka murtadiinta sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyada Mujaahidiinta.
Imaarada islaamiga Afghanistan oo bishan ku dhawaaqday howlgal loogu magacdaray Al-Mansuuriyah ayaa guulo waa weyn ka soo hoysay weeraro iyo dagaallo ay ku qaaday meelo kala duwan oo ka mid ah gobolada dalkaaasi, waxaana mudada bisha ah ee uu socdo howlgalkan ay mujaahidiintu fuliyeen weeraro balaaran oo lagu xureeyey degmooyin muhiim ah, laguna laayey boqolaal ka mid ah maleeshiyaatka murtadiinta.
Meelaha ugu badan ee ay mujaahidiintu guulaha ka soo hoyeen waxaa mid ah gobolada Kandahar, Helmand, Uruzgan, Ghazni, Zabul iyo Khunduz.
Saraakiisha ciidamada Mareykanka ee Afghanistan iyo xukuumada Kabul waxay isku dayayaan in ay qariyaan ama yareeyaan dharbaaxooyinka xiriirka ah ee waayadii dambe ay kala kulmeen gacmaha mujaahidiinta iyo deegaanada laga qabsaday ciidankooda, waxayna bilaabeen in ay yareeyaan tirada deegaanada hadda ay maamusho imaarada Islaamiga ama ay ku tilmaanaan kuwa aanan istaraatiiji ah oo aanan muhiimad gaar ah xambarsaneyn.
Warbaahinada maxaliga ah ee dalka Afghanistan ayaa sheegaya in dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ay mujaahidiinta Imaarada islaamiga qaadeen weeraro dhowr ah oo isugu jira dagaallo toos ah iyo kuwa qorsheysan kuwaas oo badankood lagu beegsanayey saldhigyada ciidanka ee gobalka Khandahaar, waxayna sheegeen in la rumeysan yahay in mujaahidiintu ay ciidamo xoogan ku soo daadgureeyeen gobalka.
Aritan ayaa lagu tilmaamayaa in ay qeyb ka tahay qorshe ay Taliban ku dooneyso in ay ku xoojiso awoodda ay ku leedahay gobalkaas iyo dagaalada ay ku jirto ciidanka murtadiinta iyo xulifadooda mareykanka.
Imaarada islaamiga waxay hadda maamushaa ugu yaraan afar degmo oo ka mid ah degmooyinka gobalka Khandahar, waxayna sidoo kale cadowga kula loolameysaa dhowr degmo oo kale kuwaas oo suuragal ah in sanadkan ay gacanta ku dhigaan inta lagu gudajiro Xamlada Al-Mansuuriyah.