Wararka laga helayo gobalka Shabeelada hoose waxey sheegayaan in qarax culus lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Afrikaanta oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah gobalkaasi.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay agagaarka deegaanka Ceelwareegow ee duleedka magaalada Marka,iyadoona qaraxa loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago.
Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxaasi ayaa sheegaya iney jirto khasaara naf iyo maal ah oo ciidamada Kufaarta Afrikaanta lagula beegsaday deegaanka Ceelwareegow ee gobalka Shabeelada hoose.
Qaraxan ayaa imaanaya xilli maalintii shalay qarax ka dhacay duleedka degmada Jowhar ee gobalka Shabeelada dhexe lagu dilay afar askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.
Calamada.com