Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobalka Gedo waxey sheegayaan in gudaha degmadaasi ka dhacay qarax lala beegsaday saraakiil iyo maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada federaalka.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay guri ay ku sugnaayeen saraakiil iyo maleeshiyaat dowlada ka tirsan,iyadoona qaraxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in qaraxa lagu dilay ugu yaraan saddex askari tiro kalane lagu dhaawacay kuwaasi oo qaarkood dhaawacyadooda culusyihiin.
Qaraxan ka dhacay degmada Baardheere waxa uu kusoo aadayaa xilli saacada ka hor camaliyad Istish-haadiyo ah oo ka dhacday saldhiga degmada Waabari dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen saraakiil iyo askar fara badan.
Calamada.com