Wararka ka imaanaya gobalka Helmand ee Konfurta dalka Afghanistan waxey shegayaan in halkaasi ay ka dhacday Camaliyad Istish-haadiyo ah oo lala beegsaday kolanyo ka tirsan maamulka daba dhilifka dalkaasi.
Camaliyadda Istish-haadiyada waxey si gaar ah kaga dhacday afafka hore ee dhismaha xarunta Bankiga maamulka daba dhilifka Kaabul ku leeyahay magaalada Lashkar-gaah oo ah xarunta gobalka Helmand.
Qaraxan Istish-haadiyada ah ayaa xilliga uu dhacayay waxaa goobta ku sugnaay saraakiil iyo askar fara badan oo Bankiga u yimid si lacago mushaar ah uga qaataan.
Inta la xaqiijiyay Camaliyaddan waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday inka badan (117) Boqol Toban Iyo Todoba isugu jirta saraakiil askar iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Ashraf Gan.
Webseydka Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa baahiyay in Camaliyadda uu fuliyay Mujaahid ka tirsan Katiibada Istish-haadiyiinta Imaarada Islaamiga kaasi oo lagu magacaabo Bashiir Axmed oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobalka Helmand.
Camaliyaddan Istish-haadiyada ee ka dhacday magaalada Lashkar-gaah ayaa kusoo aadeysa xilli maalmo ka hor weerar isugu jira Istish-haadi iyo mid xoog ku gal ah ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga ay ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaala gobalka Baktiya.
Weerarkaasi oo ay fuliyeen Shan Mujaahid oo ka tirsan Katiibada Istish-haadiyiinta ee Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa lagu dilay inka badan Labo Boqol askar iyo saraakiil ah oo ay ku jiraan xubno sar sare oo ka tirsan maamulka daba dhilifka dalka Afghanistan.
Weeraradan khasaaraha badan dhaliyay waxey qeyb ka yihiin howlgalka Al-mansuuriyah ee kal hore ay ku dhawaaqday Imaarada Islaamiga Afghanistan.
Calamada.com