Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay weerar lagu soo riday diyaarad dagaal uu ka dhacay Waqooyga dalkaasi.
Ciidamada difaaca Cirka Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa Gantaal la helay diyaarad dagaal gaar ahaan nooca Elecobtarka taasi oo xilligaasi duqeyn ku waday deegaano dagaalo culus ay ka socdaan oo dhaca duleedka magaalada Qunduuz ee xarunta gobalka Qunduuz.
Diyaaradda oo gubaneysa ayaa kusoo dhacday deegaan lagu magacaabo Teylawek oo ah deegaan dhaca duleedka magaaladaasi.
Gabi ahaan diyaaradda ayaa basbeeshay waxaana ku dhintay duuliyihii diyaaradda iyo saraakiil ciidan oo la socotay diyaaraddaasi.
Soo riditaanka diyaaradda ayaa kusoo aadeysa xilli ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan weeraro culus oo qeyb ka ah howlgalka Al-mansuuriyah ay ku qaadeen saldhigo ciidan oo maleeshiyaatka maamulka daba dhilifka Afghanistan iyo kuwa gaalada NATO ay ka sameysteen gudaha iyo duleedka magaalada Qunduuz,iyadoona ciidamada Mujaahidiinta ay la wareegeen saldhigyo badan oo dhaca duleedka magaaladaasi.
Calamada.com