Wararka ka imaanaya dalka Indonesia waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay qeybo ka mid ah dalkaasi uu ka dhacay shil diyaaradeed oo sababay khasaara xoogan.
Diyaaradda dhacday oo ah nooca Elecobtarka ayaa gabi ahaan burburtay xilli ay ku guda jirtay iney gurmad u fidiso dadka ku dhaqan jaziirad ka tirsan dalka Indonesia taasi oo uu ku dhuftay Folkaano xoogan.
Afhayeen u hadlay wakaalada Baaritaanada dowlada Indonesia ninka lagu magacaabo Yuusuf Ladhiif ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inuu jira shilka gaari iyo iney ku dhinteen Siddeed ruux oo diyaaradda la socotay.
Ugu yaraan Toban ruux ayaa ku dhaawacantay Jaziiradda ay Folkaanada ku dhufatay,iyadoona ay suura gal tahay iney jiraan dad ku dhintay dhacdadaasi.
Calamada.com