Tiro madaafiic ah ayaa lagu garaacay xarunta madaxtooyada dowlada Ridada federaalka ee Villa Somalia oo ku taala gudaha magaalada Mudisho.
Wariyaha Warbaahinta Calamada ee magaalada Muqdisho Muuse Malaay ayaa qadka Telefoonka inoogu xaqiijiyay in madaafiicda lagu garaacay xarunta madaxtooyada dhawaaqooda laga maqlayay xaafadaha kala duwan magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah duleedka magaalada.
Mas,uuliyadda Madaafiicdan waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin,waxeyna Idaacada Andalus baahisay in Todobo Madfac Mujaahidiinta ay ku dhufteen xarunta madaxtooyada kuwaasi oo Shan ka mid ah ay ku dhaceen gudaha madaxtooyada labada kalane ay ku dhaceen albaabka xaruntaasi.
Si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha dowlada Farmaajo kasoo gaartay madaafiicda lagu garaacay madaxtooyada,iyadoona dhowr sidaan oo kale madaafiic loogu garaacay xarunta Villa Somalia.
Calamada.com
WAAN SOO DHAWEYNAYAA