Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay jahwareer dhanka gaancsiga ah ka taagnaay magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan kaasi oo salka ku hayo lacago Faalso ah oo lasoo galiyay suuqa Beledweyne waxaa arintaasi si rasmi ah uga hadlay Maamulka Islaamiga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ugu magacaaban gobalka Hiiraan.
Idaacada diiniga Al-furqaan ayaa baahisay wareysi ay la yeelatay Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Hiiraan Sheekh Guuleed Abuu Nabhan wareysigaasi oo waaliga kaga hadlay lacagta Faalsada ah.
Sheekh Guuleed ayaa xusay in gabi ahaan wilaayada Islaamiga ah ee Hiiraan gobalka ka mamnuucday isticmaalka lacagta been abuurka ah ee lasoo galiyay magaalada Beledweyne taasi oo ah lacag shakhsiyaatkii,shirkadii ama maamulkii soo sameystay ay ugu tala galeen iney dadka hantidooda ku dhacaan.
Sidoo kale Waaliga ayaa amaan u jeediyay gaancsatada ku dhaqan magaalada Beledweyne iyo goobaha kale ee ka baxsan gobalka Hiiraan ee u hogaansamay amarka Wilaayada ee ah mamnuucidda lacagta been abuurka ah.
Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Waaliga Hiiraan Oo Dhameystiran.
Calamada.com