2 thoughts on “Akhriso+Dhageyso+Sawiro Taariikhda Sheekha Caalimka Ah Shariif Cabdi Nuur Raximahullaah.

  1. Radio Alfurqaan | Xarunta Wararka Sugan

    Degdeg: Al-callaamah Shariif Cabdi Nuur oo Geeriyooday.
    Allaah u naxariisto’e, waxaa magaalada Maka ee dalka Sucuudiga ku geeriyooday Shariif Cabdi Nuur oo ahaa caalim Soomaaliyeed oo dad badan cilmigiisa uga faa’iideeyay.
    Sheekha ayaa muddo ku xanuunsanayay wadankaas Sucuudiga, waxaana dad ehel la ah ay inoo xaqiijiyeen inuu saacado ka hor geeriyooday.
    Caalimkan ayaa ah mid ay ku dayasho ugu sugan tahay culimada Soomaaliyeed, waayo ma ahan Sheekh gabi dhacleeya oo sida wadaadaha qaar iska raaca hadba meeshii ay dantooda ku jirto iyagoo aanan ka eegin sharciga iyo wax uu ka qabo.
    Sheekha ayaa fadwadiisii ugu dambeysay qiyaastii sadax sannadood ka hor ku taageeray halkanka lagula jiro ciidamada shisheeye ee kusoo duulay wadanka Soomaaliya.
    2 comments

    Alle dhawre
    July 6, 2017 at 7:44 am
    إنا لله وإنا إليه راجعون
    Sheekh C/nuur
    Rabbi ha u naxariisto kheyr badan baan u tirinaynaaye
    Alle janno ha ku abaaliyo .

    Reply

    Alle dhawre
    July 6, 2017 at 7:49 am
    Walaalaha kheyrka badan waxaan ka filaynaa in ay noo soo gudbiyaan Taariikh-nolaleedkii (Al-Calaama Shariif C/nuur) Barnaamijka Todobaadlaha ee Diirada Jumcada adinkoo ka waraysanaya dadka ehelka u ah Culmada iyo Akhyaarta taqaan In-sha-alah.

    Reply

    Abu fatma
    July 6, 2017 at 4:35 pm
    Your comment is awaiting moderation.
    Waayeel tilmaamuu ahaa diintu say tiriye
    Taariikh ifay suu lahaa oon tirmayn abide
    Tafta niman u dhigay buu ahaa gaal talyaaniyahe
    Tafsiir iyo xadiis iyo fiqiga iyo tacliim too dhan
    Goor tuu tilmaamay gartaan hayska tookheene
    Tacliin aan akhlaaq wadan naflaha way tikhaan tikhine
    Tubta niman ka leexdiyo markay tuugo caayey say
    Tiraab qura kamuu oran madkhali tuhuma duu saaray
    Tukastoy jadiidiyo lahayd tiimam ka irjaaga
    Tusbaxliyo qubuuriyo iyo dhamaan tuugo Ictisaama
    Tiimam kii shareecada gatee toos u nacay diinka
    Niman kii jihaad uga tagay tiimbare irjaaga
    Trump iyo ku wii Putin shalayto taageeray
    Tumaatida habaar kaa ku wii toos u marinaayey
    Tilmaamihi wadaad xume Ilaah kuma tahluu layne
    Taariikh da baal dahab ah buu kaga timaanaaye
    Tafiir wacan inuu yahay ayaan muranki taag nayne
    Waa tiir shabihi ibnu xambalo aan tarixin diinta
    Tawaabow Ilaahoow adaan tuugi magacaaye
    Tiraab tii wacnayd iyo sahal ereyga tawxiid ka
    Turaath iyo wuxuu khayr ka tagay toos u dhacay sii
    Tub banaan markii loo bexee talo cidhiidh yoon to
    Tiimka xawdka nabi moxamed cabtee aan haraad taaban
    Naga yeel Tawaabow ku waan laga taxaa bay nin

    Reply
    Leave a Reply
    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Name *
    Abu fatma

    Email *
    [email protected]

  2. ILAAHEEY HA U NAXARIISTO SHIIKH SHARIIF CABDI NUUR OO CAALIM WEYN OO GEESIYA AHAA.ILAAHEEY HA U NAXARIISTO SHIIKHA KULIGEEN UU NAGA WADA DHINTEY

Comments are closed.