Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug waxey sheegayaan in gudaha magaaladaasi lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaay maamulka gaala raaca Puntland.
Dilka sarkaalkan ka tirsan maamulka Puntland waxaa loo adeegsaday qarax lala beegsaday gaari nooca raaxada ah oo sarkaalku la socday kaasi oo ka dhacay dhanka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo oo ah qeybta uu ka arimiyo maamulka Cabdi Wali Gaas.
Sarkaalkan lagu dilay Waqooyga magaalada Gaalkacyo ayaa lagu magacaabi jiray Juxeer Muuse Nuuryare,waxa uu ka mid ahaa saraakiisha dhanka amaanka maamulka Puntland ugu magacaaban gobalka Mudug waxa uu sidoo kale ka mid ahaa saraakiishii maamulka Puntland ee wax ka abaabushay dagaalkii Suuj.
Mas’uuliyadda dilka sarkaalkan waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo dhowr jeer sidaan oo kale u beegsatay saraakiil sar sare oo ka tirsan maamulka Puntland.
Calamada.com