Wararka ka imaanaya degmada Beledxaawo ee gobalka Gedo waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay gudaha degmadaasi Qof lagu dilay,iyadoona warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan dilkaasi.
Rag hubeysan oo ka tirsan Mujaahidiinta ayaa xaley fiidkii magaalada xad-beenaadka saaran ee Balad-Xaawo ku khaarijiyey Xaliimo Xasan Diiriye oo ka mid ahayd Ergooyinkii soo xulay Xildhibaanada maamulka ridada ee isku magacaabay Jubalanad.
Ragga weerarka fuliyey ayaa si nabadgalyo ah kaga tagay halka uu howlgalku ka dhacay iyagoo aanan la kulmin wax iska caabin ah.
Ergooyin ka mid ah xubnihii soo xulay xildhibaanada dowlada Ridada federaalka ayaa waqtiyo kala duwan loogu dilay qeybo ka mid ah Konfurta dalka Soomaaliya.
Calamada.com