Diyaarad uu leeyahay milliteriga Maraykanka ayaa ku burburtay gudaha dalka Maraykanka, iyadooo burburka diyaaradaas uu ka dhashey khasaare lixaad leh oo dhimasho ah.
Diyaaradda burburtay oo uu lahaa milliteriga Maraykanka waxaa nooceeda lagu sheegay LockHead C-130 Hercules, waxaana ay ku burburtay baadiyaha degmada Liflor oo 160 Km u jirta caasimadda gobolka Mississippi ee Jackson.
Afhayeenad u hadashey ciidamadda badda ee Maraykanka ayaa xaqiijisay burburka diyaaradda, waxaana ay ka gaabstay iney faafaahin dhab ah ka bixiso sababaha keenay burubrka diyaaradda.
Gudoomiyaha gobolka ay Diyaaraddu ku dhacday ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid xanuun badan, islamarkaana ay ku dhinteen 16 Ruux, sidoo kale isaguna ma sheegin sababa keenay burburka diyaaradda.
Qiiq iyo uura madow oo ka dhashay burubrka diyaaradda ayaa warbaahinta Maraykanka baahinayeen, taas oo muujineysya in diyaaraddu si xad dhaf ah ay u gubatay.
Waa khasaarihii ugu badnaa oo dhawaanahan ka dhasha burubur diyaaradeed oo uu leeyahay milliteriga Maraykanka, waxaana khasaaraha ku gaaraya Maryakanka furimaha furan ee caalamka Islaamka marka laga soo tago u dheer masaa’ib Rabbaani ah oo uu Alle ku imtixaamay.