Rag Mujaahidiin ah oo ku hubeysnaa bastoolado ayaa barqanimadii maanta askari ka tirsan Maleeshiyaatka Murtadiinta ku khaarijiyey agagaarka Xaafadda Seeybiyaano ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Halyeeyada weerarka fuliyey ayaa sidoo kale horay u qaatay qorigii uu watay murtadka la khaarijiyey.
Saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta ka howlgala Wilaayada Banaadir ayaa Idaacadda Andalus u sheegay in askariga la dilay uu ka tirsanaa qeybta canshuuraha ee murtadiinta.
Dilkan wuxuu noqonayaa midkii labaad oo 24 saac gudahood ka dhaca magaalada Muqdisho.
Shaley oo Axad ahayd waxay Mujaahidiintu magaalada ku dileen Saciid Kaarshe oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa waxa loogu yeero wazaarada Maaliyadda.
Dhanka kale, Qaraxyo oo la rumeysan yahay in ay yihiin bam-gacmeedyo ayaa lagu weeraray saldhigga degmada Yaaqshiid habeenkii xaley ahaa.
Qaraxyada ayaa lagu dhuftay gudaha saldhigga, balse lama oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay maadama waqtigu uu ahaa xilli habeen ah.
Xigasho Radioandalus24.com
Calamada.com