Wararka ka imaanaya dalka Yemen waxey sheegayaan in weerar culus lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaala duleedka magaalada Raddaac ee dhacda dhanka Konfur Bari ee dalkaasi.
Saldhiga la weeraray oo ku yaala deegaanka Al-xuriyah ee duleedka magaaalada Raddaac ee xarunta gobalka Raddaac waxaana fariisin ku leh maleeshiyaatka Xuuthiyiinta.
Weerarkan waxaa qaaday ciidamada Mujaahidiinta Ansaaru Shareecah ee taabacsan Mujaahidiinta Al-qaacidah ee dhulka Jaziiratul Carab,iyadoona faahfaahino laga helayo weerarkaasi.
Warbaahinta ka howlgasho gudaha dalka Yemen ayaa baahisay in weerarkaasi lagu dilay Saddex askari oo Xuuthiyiinta ah iyadoona intii soo hartay ee maleeshiyaatka Xuuthiyiinta gabi ahaan ay isaga carareen saldhigaasi.
Ciidamada Ansaaru Shareecah ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta saldhiga ay weerareen oo ah saldhig istiraatiiji ah oo dhaca duleedka magaalada Raddaac.
Dhawaan ayeey aheed markii qoraal kasoo baxay Mujaahidiinta Ansaaru Shareecah ee dalka Yemen ay ku cadeeyeen in bishii lasoo dhaafay ciidamada Mujaahidiinta ay fuliyeen inka badan Saddex iyo Labaatan Weerar oo isugu jira dilal,qoraxyo iyo dagaalo toos ah oo ay la beegsadeen maleeshiyaatka Xuuthiyiinta,kuwa maamulka daba dhilifka Yemen iyo ciidamada dowladaha isbaheysiga ah ee duulaanka ku jooga dalkaasi.
Calamada.com