Wararka ka imaanaya degmada Ceel-waaq Kenya oo ka mid ah dhulka dowlada Nasaarada Kenya xooga kaga heysata Somaliya waxey sheegayaan in tiro madaafiic ah lagu garaacay saldhig ciidamada Kenya ay ka sameysteen duleedka degmadaasi.
Saldhiga sida gaarka ah madaafiicda loogu garaacay waxa uu ku yaalaa deegaanka Ceel-raam oo ah deegaan hoostaga degmada Ceelwaaq Kenya ee gobalka Waqooyi Bari.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in saldhigga melleteri ee Caal-raam uu duqeyn ba’an kala kulmay ciidamo taabacsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin sida ay sheegeen dadka deegaanka, madaafiicda oo ahaa hoobiyaal ayaa ku dhacay gudaha saldhigga oo ay ku suganyihiin melleteriga Kenya taasi oo sababtay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo soo gaartay Nasaarada Kenya.
Duqeyntan ayaa kusoo aadeysa xilli weerar ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay ka fuliyeen gudaha Jaziirada Lamu ay ku dileen Sagaal ruux oo Nasaarada Kenya ah.
Calamada.com