Gabi ahaan waxaa maalintii shanaad hakad ku jira ganacsigii magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari,iyadoona arintaasi ay saameysay guud ahaan shacabka ku dhaqan magaaladaasi.
Qaar ka mid ah xoogsatada iyo guud ahaan ganacsatada magaalada Boosaaso ayaa hakadka ku yimid ganacsigii magaaladaasi sabab uga dhigay maamulka gaala raaca Puntland oo lacago xad dhaaf ah kusoo rogay ganacsiga,ganacsatada iyo Milkiilayaasha goobaha ganacsiga ee Kirada loogu jiro.
Maamulka Puntland ayaa u muuqda mid xilligaan usoo jeestay inuu gabi ahaan dhuunta qabto ganacsigii magaalada si aad ahna u dhibaatoodaan ganacsatada iyo dadka danyarta ee ku dhaqan magaaladaasi.
Halkan Ka Dhageyso Warbixinta Iyo Qaar Ka Mid Ah Ganacstada Boosaaso.
Calamada.com