Wararka ka imaanaya dalka Yemen waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay qeybo ka mid ah Konfurta dalkaasi ay ka dhacday Camaliyad Istish-haadiyo ah taasi oo faahfaahino dheeraad ah ay kasoo baxayaan.
Weerarkan camaliyadda Istish-haadiyada ah waxaa lala beegsaday saldhig maleeshiyaatka calooshood u shaqeystayaasha Yemen ee ay tababartay dowlada daba dhilifka Imaaraatka Carabta kaasi oo ku yaala deegaanka Ceynu baa Macbad oo ka tirsan gobalka Shabwah.
Wararkii ugu dambeeyay ee Camaliyaddaasi waxey sheegayaan in askar iyo saraakiil fara badan oo ka tirsan daba dhilifka Yemen dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen camaliyadaasi Naf hur nimada ah.
Weerarkan Istish-haadiga ah waxaa fuliyay Mujaahid lagu magacaabo Maahir Al-cadani oo ka tirsan Katiibada Istish-haadiyiinta Mujaahidiinta Ansaaru Shareecah oo taabacsan Mujaahidiinta Alqaacidah ee dhulka Jaziiratul Carab.
Camaliyaddan ayaa kusoo aadeysa xilli ciidamada Mujaahidiinta Ansaaru Shareecah ay sii kordhiyeen weerarada ka dhanka ah maleeshiyaatka Xuuthiyiinta,kuwa daba dhilifka Yemen iyo ciidamada dowladaha isbaheysiga ah ee ku duulay dalkaasi.
Halkan Hoose Ka Daawo Sawirka Mujaahidka Fuliyay Camaliyaddaasi.
Calamada.com