Wararka laga helayo dalka Yemen waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay qarax culus ka dhacay qeybo ka mid ah Konfur Bari ee dalkaasi.
Qaraxa waxaa loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago taasi oo lala beegsaday dhismo dowladeed oo ku yaala deegaanka Al-musali ee gobalka Raddaac.
Warbaahinta Yemen waxey sheegtay in qaraxaasi uu sababay dhimashada iyo dhaawac tiro isugu jirta saraakiil iyo maleeshiyaat ku sugnaay xaruntaasi waxaa sidoo kale burbur xoogan soo gaaray dhismaha lala beegsaday qaraxaasi.
Mas,uuliyadda qaraxan waxaa sheegtay Mujaahidiinta Ansaaru Shareecah ee taabacsan Mujaahidiinta Alqaacidah ee dhulka Jaziiratul Carab.
Calamada.com