Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weeraro culus oo saf ballaaran ah ku qaadeen difaacyada iyo saldhigyada ciidamada Xabashida Itoobiya iyo kuwa Ridada Jabuuti ay ka sameysteen qeybo ka mid ah gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Somaliya.
Shabaabul Mujaahidiin waxey sigaar ah u weerareen difaacyada Xabashida Itoobiya iyo kuwa Jabuuti ay ka kala sameysteen degmada Jalalaqsi iyo deegaanka Halgan ee gobalkaasi.
Wararka laga helayo Jalalaqsi waxey sheegayaan in ciidamada Jabuuti si lama filaan ah ay ula kulmeen weerar culus oo kaga yimid dhanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin xilli ciidamada Jabuuti gudaha xerada ay ka sameysteen Galbeedka Jalalaqsi ay Telefashin ku daawanayeen.
Wararkii ugu dambeeyay ee degmada Jalalaqsi waxey sheegayaan iney jirto khasaara nafeet iyo hantiyadeed oo ciidamada Jabuuti lagu gaarsiiyay dagaalkaasi.
Sidoo kale ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey dagaal culus ku qaadeen difaacyada ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya ee deegaanka Halgan.
Dagaalkan oo saqdii dhexe ee xalay dhacay waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Halkan Ka Dhageyso Warbixinta Dagaalka.
Calamada.com