Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay wadada isku xirta degmada Jowhar iyo garoonka diyaaradaha degmadaasi.
Qaraxan oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ayaa lala beegsaday gaari ay leedahay hey’ad gaaleedka Mine-action ee qaabilsan miina baarista.
Warar hoose waxey sheegayaan in gaariga ay la socdeen saraakiil gaalo ah waxaana la xaqiijiyay in gaariga iyo guud ahaan xubnihii la socday ay isla baaba’een.
Labo maalin ka hor ayeey aheed markii saddex sarkaal miino baarayaal Jabuutiyaan ah lagu dilay qarax lagula beegsaday garoonka diyaaradaha degmada Buulo burte ee gobalka Hiiraan.
Calamada.com