Wararka ka imaanaya Galbeedka dalka Afghanstan gaar ahaan gobalka Farah waxe sheegayaan in qarax culus lala beegsaday kolanyo isugu jirtay mas’uuliyiin iyo maleeshiyaat ka tirsan maamulka daba dhilifka Kaabul.
Qaraxan oo lagu dilay gudoomiyihii maamulka Ashraf Gani ugu magacownaay degmada Shibkoh oo ka tirsan gobalka Farah,waxa uu ka dhacay isla gudaha degmada uu gadoomiyaha ka ahaa sarkaalka la dilay.
Gudoomiyaha la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdul Raxiim Khaan waxaa lala dilay shan askari oo ka mid ah ilaaladiisii gaarka,qaraxan waxa uu sidoo kale burburiyay gaarigii uu la socday sarkaalkaasi.
Dhanka kale faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalkii ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan kula wareegeen gacan ku heynta degmada Janikhel oo ka tirsan gobalka Paktiya ee Konfur Bari Afghanistan.
War rasmi ah oo kasoo baxay afhayeenka Imaarada Islaamiga Afghanistan Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid waxaa lagu xusay in dagaalkaasi lagu dilay Sagaal iyo Toban askari sidoo kalane lagu qabtay Lix iyo Toban askari oo gabi ahaantooda ah maleeshiyaatka maamulka daba dhilifka Afghanistan.
Ciidamada Mujaahidiinta waxey dagaalkaasi ku qabsadeen Afar iyo Toban gaari oo noocyada dagaalka isugu jira iyo hub fara badan,waxeyna sidoo kale intii dagaalka socday gubeen labo gaari oo noocyada Taangiyada ah.
Calamada.com