Rag hubeysan waxey qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ku dileen askari ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.
Dilka askarigan waxaa geystay rag biskoolada ku hubeysan kuwaasi oo askariga dhowr xabadood kaga dhuftay qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in askariga isla goobta ku dhinta.
Meydka askariga ayaa muddo yaalay goobta lagu dilay walow markii dambe meydkiisa goobta ay ka qaadeen maleeshiyaatka dowlada Farmaajo.
Dilka askarigan waxa uu kusoo aadayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay isla gudaha degmada Wadajir lagu dilay sarkaal magaciisa lagu soo gaabiyay Sagaaro oo ka tirsanaay saraakiisha booliska dowlada Ridada.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howl gala gudaha magaalada Muqdisho ayaa sii labo laabay weerarada ka dhanka ciidamada Kufaarta Afrikaanta iyo kuwa dowlada uu Farmaajo majaraha u haayo.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.