Diyaarad nooca Helicopterka oo ay leedahay Dowladda Jarmalka ee qeybta ka ah Isbaheysiga dowladaha Saliibiga ee ku duulay dalka Maali ayaa maalintii shalay ku bur burtay dalkaasi.
Diyaaradda ayaa kusoo dhacday meel ku dhow magaalada Gaaw ee Waqooyiga dalka Maali, waxaana ku dhintay laba Askari oo la socotay, iyadoona illaa iyo hadda aan la sheegin sababta ka dambeysa bur burka diyaaradda.
Afhayeen u hadlay waxa loogu yeero howl-galka Qaramada midoobay ee dalka Maali ayaa xaqiijiyay bur burka diyaaradda, waxaana Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Newyork uu ku sheegay inuu socdo baaritaanka sababtii keentay Shilkaasi.
Diyaaradda oo nooceedu ahaa “Tiger” ayaa dhacday wakhti ay dul hee- haabeysay deegaanka “Taaban-koort” ee koonfurta magaalada Gaawa, markaas oo deegaanka uu ka socday iska hor imaad u dhaxeeya Ciidamada huwanta iyo Xoogagga Mujaahidiinta.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in diyaaradda ay soo dhacday markii ay rasaas ku fureen Xoogagga Mujaahidiinta ee deegaankaas ku sugnaa, inkastoo uusan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay Mujaahidiinta Jamaacada u gar-gaaridda Islaamka iyo Muslimiinta ee ka howl-gala dalka Maali.
Sannadkii 2015kii, laba Askari oo u dhashay dalka Holland, kana tirsanaa Ciidamada Isbaheysiga Saliibiga ee ku duulay dalkaasi ayaa u dhintay sidan oo kale, markii ay soo dhacday diyaarad nooca Abaajiga loo yaqaano oo ay la socdeen.
Xukuumadda Baarliin ayaa horraantii sannadkan sii kordhisay kaalinta ay kuu leedahay duullaanka shareeco la dagaalanka ah ee lagu qaaday dalka Maali, waxaana dalkaasi ay u dirtay Sideed diyaaradood oo Helicopter ah oo nooca dagaalka ah iyo diyaarado kale oo Ciidamada daabula, waxay sidoo kale dalkaas u dirtay 350 Ciidamo dheeraad ah, iyadoo ay hadda Wadanka Maali ku sugan yihiin ku dhawaad kun Askari oo ka socda Dowladda Jarmalka.