Wararka ka imaanaya gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Somaliya waxey sheegayaan in qarax culus lala beegsaday ciidamada dowlada Ridada Jabuuti ee ku sugan qeybo ka mid ah gobalkaasi.
Qaraxan waxa uu sigaar ah kaga dhacay degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan,iyadoona qaraxa lala beegsaday ciidamada Jabuuti ee ku sugan galbeedka degmadaasi.
Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago waxaa lagu aasay Geed talaal ku yaala meel u dhaw xerada Ciidamada Jabuuti geedkaasi oo xilliyada duhurkii askarta Jabuuti qoraxda ka galaan.
Dhawaaqa qaraxa waxaa si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmada Jalalaqsi iyo qaar ka mid ah deegaanada dhaca duleedka degmadaasi.
Dadka deegaanka waxey xaqiijiyeen in xilliga qaraxa geedka ay hoos fadhiyeen askar Jabuutiyaan ah kuwaasi oo intooda badan dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxaasi.
Galinkii dambe ee maanta waxaa gudaha saldhiga ciidamada Ridada Jabuuti ee galbeedka degmada Jalalaqsi soo caga dhigatay diyaarad Elecobtar ah oo halkaasi ka qaaday askartii Jabuutiyaanka ee dhimashada iyo dhaawaca ku noqday qaraxaasi.
Calamada.com