Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin qeybta ka dagaalanta gudaha dalka Kenya iyo dhulka Kenya xooga kaga heysata Somaliya waxey habeenkii xalay weerar culus ku qaadeen deegaan dhaca duleedka magaalada Mandheere oo ka mid ah dhulka Nasaarada Kenya xooga kaga heystaan Somalia.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerarkan ku qaadeen saldhiga ciidamada Kenya ee deegaanka Lafeey oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka Mandheere.
Dagaalkan waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,iyadoona dagaalka markii muddo kooban socday ciidamada Nasaarada Kenya ay bilaabeen iney cagaha wax ka dayaan oo deegaanka isaga cararaan.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta ayaa baahisay in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Lafeey.
Sidoo kale ciidamada Muslimiinta ayaa gacanta ku dhigay hub iyo gaadiid dagaal oo ciidamada Kenya ay kaga carareen saldhiga deegaanka Lafeey.
Wararkii ugu dambeeyay waxey sheegayaan in gudaha labada saldhig ee ciidamada Shabaabul Mujaahidiin la wareegeen lagu arkay meydadka Saddex askari oo Kenyaati ah.
Sidoo kale ciidamada Shabaabul Mujaahidin waxey gubeen Sideed askari oo saldhigyada yaalay’waxeyna soo wateen hal gaari oo noocyada dagaalka ah kaasi oo ahaa mid bad qabo.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sidoo kale siidaayay tiro maxaabiis ah oo ciidamada Nasaarada Kenya ugu xirnaay saldhigyada deegaankaasi.
Halkan Ka Dhageyso Lawareegida Deegaanka Lafeey.
Calamada.com