Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose waxey sheegayaan in qarax culus lala beegsaday kolanyo ka tirsan maleeshiyaatka maamulka Murtad Axmed Madoobe.
Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso waxa uu ka dhacay deegaanka Yoontooy oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka magaalada Kismaayo.
Miinada ayaa la kacday oo burburisay gaari Cabdi bile ah,sidoo kale waxa qaraxa dhimasho iyo dhaawac ku noqday maleeshiyaatkii Axmed Madoobe ee la socday gaariga miinada burburisay.
Maalmo ka hor ayeey aheed markii qarax ka dhacay deegaankan sidoo kale gaari Cabdi bile ah looga gubay maleeshiyaatka Axmed Madoobe oo ah maamul ciidamada Nasaarada Kenya ku ilaaliyaan magaalada Kismaayo.
Calamada.com