Wararka saaka ka imaanaya deegaanka leego ee gobalka Shabeelada hoose waxey sheegayaan in gabi ahaan deegaankaasi Istiraatiijiga ah ay isaga carareen ciidamadii shisheeye ee mudada ku sugnaay deegaankaasi.
Dadka deegaanka waxey xaqiijiyeen in ciidamada Kufaarta Afrikaanta oo gaadiidkooda wata gabi ahaan saaka isaga baxeen deegaanka kuwaasi oo maalintii shalay gabi burburiyay difaacyadii ay kal hore ka sameysteen deegaankaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ee deegaanka Leego ayaa xaqiijinaya in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka,iyadoona wadooyinka deegaanka ay isugu soo baxeen shacabka ku dhaqan deegaanka kuwaasi oo si aad ah usoo dhaweynayo la wareegida Mujaahidiinta ay la wareegeen deegaanakasi.
Calamada.com