Tiro ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Farmaajo ayaa la xaqiijiyay iney dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qarax culus oo lagula beegsaday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo loo adeegsaday Miino ayaa lagu aasay goob ay ku qayilayeen maleeshiyaatka dowlada Ridada taasi oo ka tirsan xaafada Siisii ee degmada Kaaraan.
Dhawaaqa qaraxa miinada waxaa laga maqlay inta badan xaafadaha demada Kaaraan iyo qaar ka mid ah degmooyinka jaarka la ah.
Goob-jooge ka agdhawaa goobta qaraxa waxa uu warbaahinta u xaqiijiyay in qaraxa lagu dilay Shan askari tiro kalane lagu dhaawacay.
Qaraxan waxa uu kusoo aadayaa xilli habeenkii xalay dagaal culus oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin iyo kuwa Kufaarta Afrikaanta ku dhexmaray deegaanka Arbacow ee duleedka magaalada Muqdisho lagu dilay Saddex askari oo Burundeys ah.
Calamada.om