Ilaa iyo Saddex qarax oo xiriir ah waxaa duleedka degmada Baydhabo ee gobalka Baay lagula beegsaday kolanyo isugu jirta ciidamada Kufaaarta Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaatka Kabo qaadka u ah Amxaarada.
Labo ka mid ah qaraxadaasi waxaa lala beegsaday askarta Itoobiya waxeyna sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaartay askarta Itoobiya iyo burbur loo geystay qaar ka mid ah gaadiidka Amxaarada.
Qaraxa Saddexaad waxaa lala beegsaday maleeshiyaatka maamulka Shariif Sakiin kaasi oo sababay dhimashada Afar askari oo Murtadiin ah iyo dhaawaca tiro kale.
Labo maalin ka hor ayeey aheed markii gaari xamuul ah oo sahay ciidan waday lagu burburiyay laguna dilay Afar askari oo Itoobiyaan ah qarax ka dhacay duleedka degmada Waajid ee gobalka Bakool.
Calamada.com