Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey saacadihii lasoo dhaafay weerar qorshesan ku qaadeen mid ka mid ah isbaarooyinka maleeshiyaatka Axmed Madoobe ay dhigteen duleedka magaalada Kismaayo.
Isbaarada la weeraray waxey maleeshiyaatka Murtad Axmed Madoobe dhigteen deegaanka Buulo gaduud taasi oo ah mid ay lacagaha baada kaga qaataan gaadiidka dadweynaha ee isticmaalo wadadaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ee weerarkaasi waxey sheegayaan in maleeshiyaatka Axmed Madoobe hal askari looga dhaawacay weerarka ugu dambeyntiina ay isaga carareen goobta isbaarada u taalay.
Maalmo ka hor ayeey aheed markii qaraxyo maleeshiyaatka Axmed Madoobe lagula beegsaday deegaanka Yoontooy ee duleedka Kismaayo looga gubay labo gaari oo Cabdi Bile ah loona dilay tiro maleeshiyaat ah.
Calamada.com