Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelada dhexe waxey sheegayaan in markale weerar culus uu ka dhacay duleedka degmada Mahadaay kaasi oo khasaara lagu gaarsiiyay askarta Burundi.
Weerarka oo ahaa mid dhabba gal ah waxey ciidamada Shabaabul Mujaahidiin u dhigeen kolanyo ka tirsan ciidamada Nasaarada Burundi oo ku socdaalayay agagaarka deegaanka Qurac-madoobe oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka degmada Mahadaay.
Wararkii ugu dambeeyay ee Kamiinkaasi waxey cadeynayaan in shisheeyaha halkaasi looga gubay gaari Xamuul ah oo sahayda ay ku qaataan askarta Burundi kadib markii ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab la heleen Garneelada garbaha laga rido.
Maalintii shalay ayeey aheed markii qaraxyo iyo kamiino ka dhacay duleedka degmada Mahadaay askarta Burundi looga dilay Lix askari loogana gubay Labo gaari.
Calamada.com