Waxaa sii kordhaya khasaaraha maleeshiyaatka maamulka daba dhilifka Axmed Madoobe ay ka sameysteen deegaanka Buulo gaduud ee gobalka Jubbada hoose.
Wararkii ugu dambeeyay ee duqeyntaasi waxey sheegayaan in duqeyntaasi lagu dilay afar askari tiro kalane lagu dhaawacay oo gabi ahaantooda ah maleeshiyaatka Murtad Axmed Madoobe kuwaasi oo la geeyay magaalada Kismaayo.
Dadka deegaanka waxey warbaahinta u xaqiijiyeen in ku dhawaad Toban Madfac gudaha u galeen saldhiga deegaanka taasi oo sababtay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo soo gaartay ciidamadii ku sugneed saldhigaasi.
Duleedka magaalada Kismaayo waxaa dhowr jeer ka dhacay weeraro ay fuliyeen ciidamada Shabaabul Mujaahidiin oo lagu dilay saraakiil iyo askar isugu jirta American,Kenyaati iyo kuwa maamulka Axmed Madoobe.
Calamada.com