Lix Askari oo Booliis ah ayaa dhaawacmay kadib markii Nin gaari kaxeynayay uu jiiray koox ka tirsan Ciidamada Ammaanka Faransiiska oo ku sugnaa magaalada Paris ee Caasimadda u ah Wadankaasi.
Shilkan ayaa Sideedii Subaxnimo ee saakay xilliga dalka Faransiiska waxa uu ka dhacay Xaafadda Livalwo ee ku taalla Waqooyi galbeed ee magaalada Paris.
Ugu yaraan laba Askari oo ka mid ah Ciidamadii ku dhaawacmay weerarkaas ayaa lagu soo warramayaa inay xaaladooda liidato, iyadoona la dhigay Isbitaal kuyaalla magaalada Caasimadda ah.
Ninka kaxeynayay gaariga Ciidamada lagu jiirsiiyay ayaa la sheegay inuu baxsado, iyadoona goobta ay soo gaareen Askar badan oo Bileys ah, kuwaas oo billaabay baaritaanno ay ku raadinayaan Ninka weerarkaasi geystay.
Weerarkan waxa uu imaanayaa xilli bilihii lasoo dhaafay kor loo qaaday ammaanka magaalooyinka waaweyn ee dalka Faransiiska, taas oo ka dambeysay markii ay sii kordheen weerarrada kaligii-duulnimada ah ee ay geysanayaan dhallinyarada Muslimiinta ah ee ka dhiidhinaya kaalinta uu Faransiisku ku leeyahay duullaanka Saliibiga ah ee ka dhanka ah Muslimiinta Caalamka.
Bishii November ee sannadkii 2015-kii, waxaa dalka Faransiiska ka dhacay weerarradii ugu khasaaraha badnaa abid ee dalkaasi soo mara, waxaana dhintay inkabadan boqol qofood markii dhallinyaro Muslimiin ah ay weerareen goob lagu caweeyo oo ku taalla magaalada Paris.