Tiro madaafiic ah ayaa lagu garaacay saldhiga ciidamada gaalada Burundi ay ka sameysteen deegaanka Buurane oo ah deegaan hoostaga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeelada dhexe.
Jugta dhawaaqa madaafiicda waxaa laga maqlayay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobalka Shabeelada dhexe,iyadoona madaafiicda ay gudaha u galeen saldhiga ciidamada Burundi ee deegaankaasi.
Dadka deegaanka waxey sheegeen in madaafiicda gudaha u galay saldhiga ay sababeen khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo gaalada Burundi soo gaartay.
Duqeyntaan ayaa kusoo aadeysa xilli weerar qorsheysan oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen duleedka degmada Beledweyne ee gobalka Hiiraan ay ku dileen sarkaal iyo maleeshiyaat ka tirsan kuwa Ashahaado la dirirka Liyuu Booliska.
Calamada.com