Gudiga doorashada Kenya ayaa ugu dambeyntii ku dhawaaqay Natiijada doorashadii ka dhacday gudaha dalka Kenya,waxeyna sheegeen in doorashadaasi uu ku guulestay gaalka Uhuru Kenyatta.
Gudiga Doorashada Nasaarada Kenya ayaa sheegay in Uhuru Kenyatta uu helay codad gaaraya 54% halka hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga uu helay codad gaaraya %44.74.
Odinga iyo guud ahaan mucaaradka ayaa kasoo horjeestay natiijada lagu dhawaaqay waxeyna sheegeen in isdba marin iyo ku shubasho xoogan ay dhacday.
Magaalooyinka ugu waaweyn dalka Kenya waxaa ka bilwoday isu soo baxyo kala duwan oo qaarkood lagu taageerayo madaxweynaha la doortay qaarna looga soo horjeeda.
Ciidamado fara badan ayaa lagu soo daadiyay magaalooyinka,degmooyinka iyo deegaanada dalka Kenya waxaana saacadba saacad ka dambeysa sii xoogeysanayo dibad baxyada rabshadaha wato ee looga soo horjeeda Uhuru Kenyatta.
Xaafaddaha isku raranka ah ee Kibera iyo Mathare oo ka wada tirsan magaalada Nairobi waxaa ka qarxay Rabshado iyo isku dhacyo dhex maray ciidamada Kenya iyo shacab careysan oo kasoo horjeeda guusha Kenyatta.
Sidoo kale magaalada Kisumu waxaa iyaduna kusii xoogeystay rabshadaha xoogan ee ay dhigayaan kumanaan dad ah oo kasoo horjeeda madaxweynaha la doortay.iyadoona magaalooyin kale laga soo sheegayo isku dhacyo u dhaxeeya ciidamada iyo dad careysan.
Calamada.com