Diyaarad Hellecopter ah oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan Booliiska Maraykanka ayaa ku dhacday gobolka Vergina ee dalka Maraykanka, taas oo sababtay dhimashada Ciidamadii saarnaa diyaaradda.
Wakaaladaha wararka ayaa sheegay iyagoo soo xiganaya Saraakiil Ameerikaan ah in labo Askari oo katirsan ciidamada booliiska oo saarnaa diyaaradda Helecopterka ay ku dhinteen burburka diyaaradda.
Saraakiisha Maraykanka waxay ka gaabsadeen iney shaaciyaan sababta rasmiga ah ee keentay burubrka diyaaradan, waxaana ciidamada Booliisku ku sii socodeen deegaan katirsan gobolka Vergina halkaas oo ay ka socodeen isku hor imaadyo u dhexeeya dadka Cadaanka ah iyo ciidamada Booliiska, waxaana dadku kasoo horjeedaan in magaaladooda laga taago taallo muujineysa dagaalladii Sokeeye ee uu soo maray dalka Maraykanka.
Isku dhecyadaas oo illaa iyo hadda socoda ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray dadka cadaanka ah, waxaana Booliiska Maraykanka uu xaqiijiyay dhimashada 3 Ruux.