Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose waxey sheegayaan in duleedka magaaladaasi ka dhacay weerar lala beegsaday kolanyo isugu jirta American,Kenyaati iyo maleeshiyaatka Murtad Axmed Madoobe.
Weerarka oo ahaa mid dhabba gal ah waxey ciidamada Shabaabul Mujaahidiin u dhigeen kolanyada gaalada caddaanka iyo kuwa madowga isugu jira kuwaasi oo dhaqdhaqaaqyo ka waday agagaarka deegaanka Buulo gaduud.
Kamiinka oo dagaal isku badalay ayaa markii muddo kooban uu socday waxaa la jabiyay kolanyadii Americanka iyo kuwa Kenyaatiga kuwaasi oo ugu dmabeyntii dib ugu laabtay difaacyada iyo saldhiga ay ka sameysteen deegaanka Buulo gaduud.
Wararka qaar waxey sheegayaan in kolanyada Americanka iyo kuwa Kenyaatiga ah deegaanka Buulo gaduud ay la galeen tiro askar ah oo dhimasho iyo dhaawac kaga noqday weerarka ka dhacay duleedka deegaankaasi.
Calamada.com